Site icon Radio Daljir

Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Amniga

Guddiga Difaaca Puntland ayaa maanta soo saaray qoraal lagu amrayo in dhammaan laamaha amniga Puntland ay joojiyaan isu socodka gaadiidka Garoowe iyo Laascaanood, iyo dhammaan goobaha la filayo in uu dagaal ka qarxi karo daqiiqad kasta.

Soomaaliland ayaa biloowgii sannadkaan 2018 waxa ay ku soo duushay qaybo kamid ah gobolka Sool. Culimada iyo qaar siyaasiyiinta Hargeysa ayaa ku baaqay in la joojiyo collaadda karkareysa ee Puntland iyo Somaliland, saas oo ay tahay marna culimada Somaliland kuma ay baaqin, mana ay soojeedin in Somaliland joojiso duullaanka ay ku hayso Puntland, kana baxdo dhammaan goobihii ay qabsatay biloowgii sannadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar uu u jawaabay baaqa culimada waxa uu yiri, “waa waajib diini ah in dadka iyo deegaanka lagu soo duulay la difaaco.”

Amarka qoran ee Guddiga Amniga Puntland ayaa si gaar ah u tilmaamay in la xannibo dhammaan gaadiidka shidaalka ee isaga kala goosha magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe. Sidoo kale waxaa la faray in la cesho dhammaan shacabka u kala socda labada gobol iyo dhammaan goobaha la filayo in colaaddu ay ku sii fiddo.

Wararka Radio Daljir ka helayso jiidda hore ee ciidamada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargaroow saa’id ah iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo aan innaba horey loo arag. Waxaa jiidda hore ee ciidamada ku sugan Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo dhammaan hoggaanada kaladuwan ee Ciidamada Difaaca Puntland. Sidoo kale, waxaa wararku sheegayaan in saraakiil hore oo ay kamid yihiin Janaraal Careys iyo Khaliif Ciise Mudan ay ayana qayb ka yihiin talada iyo hoggaanka dagaalka.

Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo golihiisa dagaalka Sool ayaa saddexdii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa fadhi u ahaa jiidda hore ee  Ciidamada Difaaca Puntland.

Wariyaha Radio Daljir ee jiidda hore oo waraystay qaar saraakiisha hoggaanka Ciidamada Difaaca Puntland ayaa noo xaqiijiyey in la filan karo colaad qaraxda daqiiqad kasta, ayna Ciidamada Difaaca Puntland haystaan amar buuxa oo lagu difaacayo dadka iyo deegaanka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidii u u qabsaday talada Somaliland waxa uu ku baaqay in la soo xiro xuduudaha Somaliland. Sidoo kale, waagiisii olalaha Somaliland waxa uu Muuse ka dhawaajiyey hadalo cadiifadeysan, ahaana hanjabaado ka dhan ah qabaa’ilada deegaanka Puntland, Jubaland iyo kan dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Shiikh Dirir oo maalinkii Jimcaha khudbadiisa ay ku jirtay in la joojiyo colaadda iyo dagaalka Puntland iyo Somaliland ayaa si dadban farta ugu fiiqey in aysan jirin xudduud u dhexeysa dadka Soomaaliyeed, tii gumeystuhuna ay tahay waxba kama jiraan. Shiikh Dirir ayaa ku jira wadaadada farakutiriska ah ee u dooda gooni-isu-taaga Somaliland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version