Puntland oo taakulo dhaqaale u dalbatay dayactir la doonayo in lagu sameeyo garoomadeeda.

Bossaso, Oct 05 – Maamulka Puntland ayaa ku hawllan qorshayaal lixaadleh oo lagu maaggan yahay in lagu dayactiro garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Puntland, kuwaasi oo qaarkood ay aad u defan-deegsan yihiin.

Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa bilawday dhawaan kormeero xiriir ah oo loogu kuurgalayey xaaladda garoomada Puntland, taasoo ah sida la tilmaamayo midda dhalisay in la hinjiyo hindisayaal lagu hagaajinayo garoomada.

Maanta oo Isniin ah, waxaa la dhagax-dhigay dhismaha dhabbaha diyaaraduhu caga-dhigtaan ee garoonka magaalada Bossaso ee Bande-qaasim Intaranational Airport, kaasoo laga bilaabayi mashruuc lagu dhammaystirayo garoonka gaar ahaan Run-wayga.

Munaasabad lagu maamuusayey dhagax-dhiggaasi, ayaa lagu qabtay isla gudaha garoonka Bossaso taasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin maamul oo heer wasiirro iyo mid gobolka iskugu dhafnaa, waxaana madaxda wasaaradda duulista hawadu ay shacabka Puntland iyo jaaliyadaha bannaankaba ka dalbadeen in gacan laga gaysto dhaqaalaha lagu dhammaystirayo garoonka Bossaso iyo kuwa kale ee gobollada.

Madaxdii halkaasi ka hadlay, ayaa dhammaantood si siman u tilmaamay ahmiyadda mashruucaan garoomada lagu daryeelayo uu leeyahay, iyagoo xusay lagama maarmaanimada gacan ka gaysiga dhaqaale ee arrinkaan.

Garoomada Puntland waxay ka mid yihiin ila dhaqaale ee maamulka Puntland, waana meesha labaad maaliyadda dawladda Puntland ay ka soo xarooto, hase ahaatee waxaa si weyn u kala duwan magaca garoomada Puntland iyo muuqaalka ay leeyihiin marka loo fiiriyo garoomada meelo kale oo dalka ka mid ah iyo adduunka intaba.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com