Puntland oo soo Bandhigtay dambiyadda kadhacay Sagaalka gobal ee Puntland (dhegayso)

Puntland oo soo Bandhigtay dambiyadda kadhacay Sagaalka gobal ee Puntland (dhegayso)

Xafiiska xeer ilaalinta Guud ee Puntland ayaa sanad walba dhamaadkiisa soo saara dambiyadii kadhacay Guud ahaan Puntland,kuwaas oo ay galeen shaqsiyaad kala duwan,isla markaana qaar kamid ah Cadaaladda la horgeeyo halka qaarka kalena ay baxsadaan.

Hadaba Maanta waxaa Xafiiskiisa Garowe shir jaraa’id ku qabtay ku xigeenka Xeerka ilaaliyaha Guud,ahna kusimaha Xeer ilaaliyaha Guud Maxamed Xareed Faarax ,wuxuuna soo bandhigay dambiyadda kadhacay Sagaalka gobal ee Puntland Xukunto.

Gobaladda Puntland Dambiyadda kadhacay Waxaa kamid ah .

Gobalka Nugaal 173 dambi
Gobalka Bari 982 dambi
Gobalka Karkaar 351 dambi
Gobalka Cayn 677 dambi
Gobalka Mudug 169 dambi
Gobalka Sanaag 70 dambi
Gobalka Haylaan 150 dambi

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xareed Faarax ayaa ka hadlaya sido kale Bilihii u dambeyaay dambiyada kale ee dhacay ,waxaana Guud ahaan Dambiyadda kadhacay Puntland uu ku sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka 3,853 Dambi ,ama Kiis.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com