HomeWararka

Puntland oo shuruudo ku xirtay ka qeyb galka shirka wadatashiga Qaran ee Muqdisho (Akhriso)

Dowladda Puntland ayaa soo saartay qoraal ka kooban 3 bog oo lagu qoray Afka Ingiriisiga, kaasoo loo diray Beesha Caalamka, waxaana qoraalkan uu ahaa

IGAD oo warbixin ka soo saartay afgambigii ka dhacay Suudaan
Wararkii ugu Danbeeyey ee Weerarada Barcelona iyo Cambrils ee Dalka Isbayn (Spain)
Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso)

Dowladda Puntland ayaa soo saartay qoraal ka kooban 3 bog oo lagu qoray Afka Ingiriisiga, kaasoo loo diray Beesha Caalamka, waxaana qoraalkan uu ahaa shuruud ay ku xirtay ka qeyb galka shirka wadatashiga Qaran ee looga hadlayo hirgelinta iyo dhameystirka heshiiskii doorashada ee September 17-2020.

Shuruuda ayaa ka dambeeyay, kaddib markii shalay wafdi ka socda Beesha Caalamka ay la kulmeen oo ay ka dalbadeen inay ka soo qeyb galaan shirka Muqdisho.

Qodobada shuruudaha ayaa kala ahaa:-

1. In la bedelo saddexda Taliye Ciidanka Qalabka sida, Booliska, Milateriga iyo NISA

2. In go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.

3. In laga xisaabtamo wixii dhacay 19 February, guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro dhacdooyinkii dhacay

4. In saamileyda siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ay qeyb ka noqdaan geedi socodka kulamada oo laga qeybgaliyo.

5. Beesha Caalamka ay damaanad qaado fulinta Heshiisyada doorashada (April 2016-kii Saxiixayaal Heshiiska)
6- in shirka wadatashiga qaran uu ka dhaco goob ammaan ah oo Muqdisho ah

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: