Puntland oo sheegtay inay yaraadeen weeraradii Burcad-Badeedda. (Dhegayso)

Garoowe, Dec 2, Agaasimaha Hay’ada la dagaalan ka Burcad-Badeeda Soomaalida u qaabilsan Puntland Md Cabdirisaaq Dirir Ducaysane oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir ayaa sheegay in sanadkan falalka Burcadu wax ku afduubaan ay hoos u dhaceen %59 sida uu sheegay.

?
Arintan ayuu dhinaca u saaray cadaadis badan oo Burcad-Badeedda kaga yimid beesha Caalamka iyo dadka Soomaalida uu aad u fahmey dhibka ay Burcadu ku hayaan umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
?
Wuxuu sheegay in ka Puntland ahaan ay door weyn ku lahaayeen yaraynta Burcad-Badeedda, dagaalka ugu badan ee Puntland la gashay Burcadda ayuu ku sheegay inuu yahay Wacyigelin Ballaaran oo ay u sameeyeen bulshadda isagoo tilmaamay wacyigelintaasi inay ka qayb qaateen Odayaasha dhaqanka, Culimada diinta, aqoon yahanka iyo bahda Saxaafadda.
?
Sidoo kale agaasimuhu wuxuu sheegay in wadanka Soomaaliya xiligan lagu haysto 5 markab oo u afduuban Burcad-Badeedda Soomaalida tiradaasoo aad uga yar maraakiibtii sanadihii hore ku afduubnaan jirey wadanka Soomaaliya.
Puntland ayaa sanadkii hore hawl gelisey ciidanka Badda oo loo aasaasay la dagaalanka Burcad-Badeeda iyo Maraakiibta Jariifka, Waxaana mudadii ciidamadaasi shaqaynayeen ay waxbadan ka qabteen amaanka xeebaha Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com