Puntland oo qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab (Dhegayso)

?

Garoowe Nov 18, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda amniga ee Puntland Cabdirisaaq Xareed Ismaaciil oo maanta (Axad) Shir saxaaafadeed ku qabtay magaaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegay inay qabteen xubno muhiim ah oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.
?
Ciidamada amaanka Puntland ayaa shalay magaalada Galkacyo ku qabtay Maxamuud Nuux Aadan (Abu Xafsa) oo la sheegay inuu ahaa madaxa amniyaadka kooxda Al-shabaab ee Gobolka Mudug, waxaa sidoo kale la sheegay inuu Abu Xafsa hore u ahaan jirey madaxa ilaalada ee hogaamiyaha Shabaab Axmed Cabdi Godane.
?
Sidoo kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Aminiga Puntland ayaa sheegay in ciidanka amnigu qabteen 9 xubnood oo ka tirsan Al-shaab kuwaasoo kusii jeedey deegaanka Buuraleyda Golis ee gobolka Bari.
?
Wasiir kuxigeenku wuxuu shacabka Puntland ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah iyo inay ka digtoonaadaan dhagarta Kooxda Al-shabaab la damacsan tahay deegaanadda Puntland.
?
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com