Puntland oo Mamnuucday in Garoowe Yimaadan Masuuliyinta DFS ka tirsan (Daawo)

Go’aanada Ka soo baxay Puntland ee la xiriira Xaaladda Doorashada.

1 – in cid aan aheyn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland mudada doorashadu socoto.

2 – inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay iney soo galaan shaqalaha DFS Sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan Garoomada Diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gal Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – in diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo Degin Garoomada Puntland.

5 – si loo sugo amaanka xiliga Doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 inaan wax agab Ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal usan ogeyn.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com