Site icon Radio Daljir

Puntland oo laga xusay Maalinta Aids-ka

Somalia, December 01, 2015-(Daljir)_Meelo kamid ah dalka waxaa maanta laga xusayaa maalinta xanuunka Hiv//AIDSka,waxaana dunida badankeeda 1 decembar laga xusaa maalinta HIV//AIDSka.

Dalka Soomaaliya meelo badan oo kamid ah waxaa maanta lagu qabanayaa munaasabadu lagu xusayo maalinta HiV//AIDSka,iyagoo ay ka qayb galayaan masuuliyiin’Ha’yadaha ka shaqeeya Arimaha AIDSka.

Munaasabadaha ayaa inta badan looga hadli doona xanuunka waxyaabaha keena iyo sida dadku isaga ilaalin karaan,waxaana sidoo kale shacabka Soomaaliyeed laga la hadli doonaa siday ula dhaqmi karaan Qofka qaban xanuunka.

Magaaalada Garowe waxaa maanta lagu qabanayaa munaaasabad lagu xusayo AIDSka munaasabada ayaa lagu soo bandhigi doonaa Riwaayado ka turjumaya xanuunka iyo sida looga hortagi doono waxaana musaabada soo qaban qaabisay Ha’yadda Puntland u qaabilsan Xanuunka AIDS ee PAC.

 

Daljir.com

Exit mobile version