Puntland oo laga Roob-Doonay

Isniin, Oktoobar 12, 2015 (Daljir) —Boqolaal kamid ah shacabka kunool magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland oo ay horkacayeen xubno katirsan golayaasha xukuumadda iyo culimaa’udiin ayaa banaanka magaalada ku tukadey labo ragcadood oo ah salaad roob-doon ah.

Roob-doontaan oo ay horay u iclaamisay wasaaradda caddaladda iyo arrimaha diinta ayaa waxaa khudbaddo diini ah kajeediyey culumaa’udiinka Puntland qaar kamid ah, wasiiro, agaasimayaal, maamulka gobolka kan degmada Garoowe iyo Isimo kala duwan.

Dhammaan dadkii ka hadlay ayaa banaan baxaan roobdoonta ah ayaa Alle ka baryey inuu kusoo doojiyo raxmaddiisa, waxaana ay kacodsadeen dadka Islaamka ah inay Iscafiyaan kana dheeraadaan waxkasta oo keeni kara carada Eebe iyo Roob la’aanta.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com