Puntland oo ku baaqday in laga qaybgalo banaanbaxyada ololaha Doorashooyinka

Garowe 20 June 2013 -Dowladda Puntland ayaa dhallinyarada ugu baaqay inay ka qeyb galaan banaanbaxyada ololaha doorashooyinka ay dhigayaan ururada siyaasada ee dhawaan u tartamaya doorashooyinka dowladdaha hoose ee Puntland.
?
Hadalkaan waxaa maanta sheegay wasiir u dowlaaha maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax ciise Gaashaan oo maanta lahadlayay boqolaal dhallinyaro ah oo loo furayay kulan cilmiyeed lagu qabtay Garowe.
?
Wasiirka ayaa sheegay inay banaanbaxyadaas gobolada Puntland ka bilaabmayaan 27ka bishaan xilligaas oo uu ururkasta yeelanayo maalin u gaar ah oo taageerayaashiisa u soo bandhigayo barnaamijkiisa siyaasadeed.
Gaashaan ayaa dhalinyarada ku booriyay inay codkooda ku biiriyaan ururkii ay ku qancaan barnaamijkiisa siyaasadeed. Wuxuuna si gaar ah ugu weeciyay Ururka Horseed oo uu kayahay xoghaye abaabul.
?
Maalintii shalay ayaa ururada siyaasada Puntland loo qabtay tartan lagu kala saarayay cida ugu horaysa ee helaysa maalinta koowaad ee banaanbaxa ololaha doorashooyinka golayaasha deegaanka . Waxaana ururka Horseed uu helay 30 bishaan inuu taageerayaashiisa fagaarayaasha kula hadlo.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Garoowe
?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com