Site icon Radio Daljir

Puntland oo ka hadashay qaraxii Gaalkacyo

Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhamancad ayaa cambaareeyay qaraxii xalay ka dhacay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, kaasoo sababay khasaare kala duwan.

Wasiirka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxa, waxaana uu caafimaad u baryay dadkii dhaawaca soo gaaray, waxaana uu xusay in weerarkaas aanu marna niyad jebin doonin.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii xalay ka dhacay Koofurta Gaalkacyo.

 

Back to Home page