Puntland oo ka fiirsanaysa wada shaqaynta Dawlada Federalka (Dhegayso)

Garoowe, June-9-2013, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa eedayn kulul u jeediyey madaxda Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya.

Gen Shire ayaa Dawlada ku eedeeyey inay abaabuleen dagaalkii Kismaayo , “Waxaan ognahay dagaalkii Kismaayo inuusan yahay mid iska dhacay waxaanu aaminsanahay inuu ku yimid abaabul ay abaabuleen Madaxda Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire.

Madaxweyne kuxigeenku wuxuu sheegay inay ka fiirsanayaan wada shaqaynta Dawlada federalka ah ee Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaanu aduunka u sheegaynaa hadii Dawlada Federalku sidaa kusii socoto, dadkana u ogolaan weydo xaquuqda ay leeyihiin, lana baalmaro dastuurka, Dawlada Puntland waxay ka fiirsan doontaa wada shaqaynta ay laleedahay Dawlada Federalka,” ayuu yiri General Cabdisamed Cali shire.

“Kaftan maaha dhayalna maaha waa mid na go’an hadaan naloo baahnayn cidna uma baahnin,’ ayuu hadalkiisa ku daraty Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen Cabdisamed Cali Shire.

Halkan ka dhegayso Warbixin ku saabsan hadalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

Waa markii u horeysey oo Dawlada Puntland ka hadasho dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo, Puntland oo ah awood balaaran oo kajirta dalka Soomaaliya ayaa siweyn u taageersan maamulka Jubbaland iyadoo arintaasi ay isku khilaafsan yihiin Dawlada federalka ah ee Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Buuhoodle

?

?

?


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com