Puntland oo Imaanshaha Al-shabaab ku Eedesay Dowladda Somalia

Bacaadweyn, Maarso 15, 2016 (Daljir) —Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeeyay inay soo abaabushay ciidanka Al-shabaab ee qabsaday xeebaha Bari ee Puntland.
 
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay Puntland ku abaabulayso kooxo argagixiso ah, iyadoo ku colaadinaysa diidmadii Puntland ee qaadashada habka awood-qaybsiga ee 4.5-ka, ee lagu saleeyay doorashada dalka ka dhici doonta sannadkan dabayaaqadiisa.
 
“Waad og-tihiin Puntland muddo dheer waxay la dagaallamaysay argagixisada nooc kasta oo ay tahay, balse duullaanka nalagu soo qaaday kama gacanta marna dowladda federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Qar-jab.
Sidoo kale, Wasiirka Ammaanka maamulka Puntland ayaa xusay in dowladda federaalka Somalia ay arrintaan uga dan leedahay inay ku car-qaladayso doorashooyinka Somalia la filayo inay ka dhacaan sannadkan 2016-ka.
 
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in shacabka Puntland iyo maamulkooda ay is-difaaci doonan, isagoo shacabka ugu baaqay inay amaanka Puntland ka shaqeeyaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com