Puntland oo hay’ada qaramada midoobey kala hadashay arrimo muhiim ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 Agoosto, 2016 Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay hay’adaha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Garowe, kuwaas oo dawladda kala shaqeeya arrimaha aadanaha iyo mashaariicaha horumarineed.

kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray wixii ka qabsoomay  iyo waxa weli qabyada ka ah mashaariicaha sannadkaan 2016-ka ay hay’adaha qaramada midoobey ka fuliyeen Puntland  iyo sababaha ay u qabsoomi waayeen mashaariicahaasi.

sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii Mashaariicaha muhimka ah ee ay hay’adahaani ka fuliyaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland loo gaarsiin lahaa gobollada iyo deegaanada laamiga ka baxsan, waxaana lagu ammaanay hay’adda UNDP mashruuca buundaada ay  ka hirgelisey Jaamka degmada Xaabbo ee gobolka Gardaguu, jaamkaas oo dhib badan ku hayey bulshada degmada Xaabbo iyo ardayda wax ka barata dugsiyada xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

kulanka ayaa waxaa sidoo kale lagu lafo guray dhaqaalaha ay deeq bixiyayaashu ugu deeqaan Puntland isla markaana lasoo marsiiyo hay’adaha Qaramada Midoobey sidii ay  dawladdu si dhow ugula socon lahayd dhaqaalahaasi in uu gaarey meelihii loogu talo galay si dalka looga hirgeliyo adeegyo waxtar u leh bulshada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ku war-gelisey hay’adaha Qaramada midoobey in ay dawladda usoo gudbiyaan shaqaalaha ka shaqeeya dhammaan xafiisyada hay’ahaasi oo aanay ku jirin kuwa caalamiga ah si ay u bixiyaan cashuuraha  ku waajibey.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa hay’adaha Qaramada Midoobey ku boorriyey in ay  marwalba mudnaanta koowaad  siiyaan deegaanada ka baxsan laamiga iyo dadka reer guuraaga ah isla markaana ay si siman ugu adeegaan shacabka Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com