Puntland oo fasaxday shaqaalaha hay?adaha kala duwan ee maamulka maalmaha Ciidda (Dhegeyso)

Garoowe, October 13, 2013 – Dowladda Puntland ayaa diyaarisaay fasax labba maalmood ah oo ay qaadanayaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Puntland iyo guud ahaanba laamaha kala duwan, xilliga Ciidul Adxaa oo maalmo kooban naga xigaan.

Wasiirka wasaarada shaqada iyo shaqaalaha ee Puntland Cabdiweli Xirsi Indha-guran oo la hadlay idaacada Daljir ayaa sheegay in ay shaqaaluhu fasaxan yihiin muddo labba maalmood ah, oo ka bilaabmaya maalinta Ciidul Adxaa.

Mudane Indha-gurran waxaa uu sheegay in ay fasaxa ugu talo-galeen in shaqaaluhu ay la qaybsadaan farxada Ciida qowsaskooda iyo xaasaskooda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Cabdirisaaq Silver oo waraystay oo wasiir Cabdiweli Indha-gurran oo daljir la hadlay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com