Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay Madixii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Al-shabaab ee Gobolka Mudug

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Madixii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug ee kooxda Al-shabaab C/risaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), kaas oo howlgal ay iska kaashadeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidanka Kumaandooska lagu qabtay bishii 7aad ee sannadkii hore ee 2017kii .

Xukunka ninkan ayaa markii ay Maxkamadu ku dhawaaqday waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday xukunkiisa, waxaan soo abaabulay qaar kamid ah eheladiisa.

Dibad baxayaasha ayaa taayaro ku gubay bartamaha laamiga weyn ee magaalada Gaalkcyo, waxaana hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

Ciidamada amniga ayaa goobta soo gaaray oo kala eryay dadkii dibadbaxa dhigaayay, kuwaas oo u badnaa haween iyo Caruur

CaloolGeel ayaa  horay u deganaa dalka Mareykanka, ka hor inta uusan u soo wareegin dalka Soomaaliya, waxaa dhaqdhaqaaqiisa la socday sirdonka  Mareykanka oo ku tilmaamay inuu ahaa nin khatar  ah oo xagjir ah.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Ayuub Jeylani Xassan 5 years ago

    Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Madixii Amniyaadka iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug ee kooxda Al-shabaab C/risaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel), kaas oo howlgal ay iska kaashadeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidanka Kumaandooska lagu qabtay bishii 7aad ee sannadkii hore ee 2017kii .

    Xukunka ninkan ayaa markii ay Maxkamadu ku dhawaaqday waxaa magaalada Gaalkacyo ka dhacay dibad bax looga soo horjeeday xukunkiisa, waxaan soo abaabulay qaar kamid ah eheladiisa.

    Dibad baxayaasha ayaa taayaro ku gubay bartamaha laamiga weyn ee magaalada Gaalkcyo, waxaana Ciidamada amniga ayaa goobta soo gaaray oo kala eryay dadkii dibadbaxa dhigaayay, kuwaas oo u badnaa haween iyo Caruur

    CaloolGeel ayaa horay u deganaa dalka Mareykanka, ka hor inta uusan u soo wareegin dalka Soomaaliya, waxaa dhaqdhaqaaqiisa la socday sirdonka Mareykanka oo ku tilmaamay inuu ahaa nin khatar ah oo xagjir ah.

    Sawiro.
    hakad galay isku socodkii dadka iyo gaadiidka.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com