Puntland oo cambaaraysay weerarkii Somaliland ay kusoo qaaday Buuhoodle.

Garowe,Jan 28 -Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay weerarkii maamulka Somaliland uu dhowaan kusoo qaaday deegaano ka mid ah degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Puntland Axmed Cali Askar oo shir jara’id ku qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa waxaa uu xusay maamulka Somaliland inuu mudooyinkii ugu dambeeyay waday qorshe gurcan oo salka ku haysa inuu soo xirto xuduudkii gumaystaha Ingiriiska uu ka samaystay gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu xusay maamulka Somaliland inuu fuliyay dhacdooyin ay ka mid tahay rasaas uu si bareer ah ula beegsaday shacabka magaalada Laascaanood oo dhigayay dibad baxyo ay uga soo horjeedaan ciidamada Somaliland,waxaa uu sheegay ciidamada Somaliland maalintaasi oo ay taariikhdu ku beegnayd 21 January ay xarig,dhac iyo dil ugu gaysteen gudaha degmadaasi dad isugu jira haween iyo carruur.

15-kii January ee sanadkan ayaa waxaa uu sheegay ciidamada Somaliland inay soo weerareen degmada Buuhoodle balse shacabka deegaanadaasi ay si weyn uga horyimaadeen dagaal,ayna ku qasbeen ciidamada Somaliland inay ka baxaan deegaankaasi Buuhoodle,dhanka kale wasiirka ayaa soo qaatay dhacdadii Kalshaale ee ciidamada Somaliland ku qabsadeen qaybo ka mid ah deegaanadii ay sanadkii laso dhaafay ku dagalaameen maleeshiyo beeleed ood wadaag ah,isagoona cadeeyay talaabooyinkaasi ay qaadayaan ciidamada Somaliland inay yihiin kuwo lama ilaabaan ah.

Wasiir warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa dhanka kale sheegay saraakiil ciidan oo ay ka mid yahiin taliyaha ciidanka Somaliland iyo wasiiro inay soo gaareen deegaanadii dagaaladu ay ka dhaceen ee gobolka Cayn,isagoona sheegay saraakiishaasi inay wadaan abaabul dagaal,dhanka kale wasiirka ayaa u jeediyay ururada gobolka inay u toog hayaan gardarada Somaliland ay ka wado gobolka sida uu sheegay,waxaana dhanka kale uu cadeeyay dowladda Puntland inay qaadi doonto talaabo kasta oo ay ku difaacanayso jiritaankeeda iyo midka dhuleed oo ay leedahay.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com