Puntland oo Bosaso kusoo bandhigtay Shabakad qaraxyo iyo dilal qorshaysan geysan jiray

Puntland oo Bosaso kusoo bandhigtay Shabakad qaraxyo iyo dilal qorshaysan geysan jiray

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan inay katirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Ashabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

Raggaan ayaa maxkamada horteeda ka qirtay dambiyada lagu eedeeyay oo ay ku jiraan, qaraxyadii Bosaso lagula eegtay madaxweynaha Puntland oo ay ku geeriyoodeen labo askari, dilkii Suldaan Muuse Koonte oo sannadkii 2019 lagu dilay isagoo ku jira salaadii jimcaha.

Waxyaabaha kale ee ay qirteen waxaa kamid ah qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Bosaso, sida qaraxii lagu dilay qaar kamid ah labo caaqil oo kamid ahaa ergadii doorashada kursiga wasiir Jamaal iyo dhaawaca afar kale.

Maxkamadda waxay sheegtay raggaan inay markii hore wax ku dili jireen magaca kooxda Daacish, balse markii dambe ay u wareegeen kooxda Alshabaab.

Waxay sidoo kale ku eedeysan yihiin inay kamid ahaayeen dadkii ka qeyb qaatay weerarkii xabsiga Bosaso lagu qaaday sannadki hore.

Waxay maxkamaddu shaacisay liis dad ah oo ay ku jiraan masuuliyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo madax dhaqameed u qorsheysanaa inay ku qaarijiyaan magaalada Bosaso.

Ugu dambayn, maxkamadaynta raggaan oo weli socota ayaa la filayaa in maalmaha soo socota lasoo gabagabeeyo.

Magacyada eedeysanayaasha.

Jaamac Aadan Tusbaxle

Ayuub Cumar Shire

Cabdullaahi Salaad Booos Mohange

Maxamed Abshir Muuse Olyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com