Site icon Radio Daljir

Puntland oo Balan-Qaadyo ka Heshay dowladda Sweden

Khamiis, Oktoobar 08, 2015 (Daljir) — Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Kenya ayaa magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaasi kula kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall.

Kulanka ayaa looga hadlay hourmarinta Mashaariicda Dawladda Sweden kawado Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya , waxaana mashaariicdaasi kamid ah Waxbarashada Caafimaadka ,Hiigsiga Cusub iyo barnaamijyo kale oo horumarineed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ayaa Safiirka kala hadlay in Dawladda Sweden derder geliso mashaariicdaasi , si ay u muuqato kaalinta ay Dawladaasi ka qaadanayso horumarka baaxadda leh ee ka soconaya guud ahaan Puntland iyo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dawladda Sweden Ambassador Mikael Lindvall ayaa isna dhankooda balanqaaday in ay dadajiyaan hirgilinta mashaariicda ay ka wadaan Puntland oo uu ku tilmaamay inay gaartay horumar baaxad leh .

 

Daljir.com

Exit mobile version