Puntland: Ololaha tababarka dhalinyarada oo weli ka socda Garoowe (Muuqaal)

Tababarkan oo ku saabsanaa horumarinta dhiirigelinta Hal-abuurka ganacsiga ee dhalinyarada iyo farsamooyinka suuqgeynta wax soosaarka dhalinyarada waxaa ka faa’iidaysnayey kooxo dhalinyaro ah oo hore loo dhiirigeliyey hal-abuuro ganacsi oo ay leeyihiin, Hay’ada Madaniga ah ee Horn Vision ayaa soo qaban qaabisay tababarkan waxaana bixinayey aqoon yahano ka socdey bangiga Salaam oo kamid ah bangiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira Puntland.

Tababarkan ayaa daba socda kulanka u qareemida dhalinyarada hal-abuurka leh oo hore ay u qabatay Hay’ada maxaliga ah ee Horn Vision, waxaana dhalinyaradani oo ilaa 100 gaarayaa ka faa’iidaysteen barnaamijka dhiirigelinta hal abuurka dhalinyarada ee magaciisa loosoo gaabiyo Up-shft kaasoo ay fuliso Horn Vision halka ay maalgeliso UNICEF ayna kormeerto wasaarada haweenka Puntland.

Maamulka Horn Vision Siciid Muuse Siciid iyo Yuusuf Maxamed Aadan oo kamid ah hawlwadeenada Horn Vision ayaa ugu horayn warbixin kooban ka bixiyey ujeedada tababarkan maanta la siinayo dhalinyarada uu taageero barnaamijka UPshift ee Horn Vision wado.

Maxamed Siciid Yuusuf oo ka socdey waaxda suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee Bangiga Salaam ayaa isaguna halkaas ka hadlay. isagoo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay dhiirigelinta ganacsiga iyo Hal-abuurka dhalinyaradda.

Wasiir kuxigeenka wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Sahra Cabdi Xirsi ayaa bogaadisey Hay’ada Horn Vision oo si joogto ah u tababarta dhalinyarada hal abuurka leh iyadoo todobaadkan ay markii sadexaad dhalinyaro la siiyo tababar ay soo qaban qaabisay Horn Vision.

Intaas kadib waxaa si rasmi ah u bilowday tababarka horumarinta hal-abuurka ganacsiga iyo suuqgeynta, qaar kamid ah dhalinyarada tababarka ka faa’iidaystey oo la hadlay warbaahinta Daljir ayaa u mahadceliyey Hay’ada Horn Vision iyo cid walba oo gacan ku siisay tababarkan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com