Puntland & Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay xaaladda dadkii Laascaanood laga soo barakiciyay

Puntland & Koonfur Galbeed oo ka wada hadlay xaaladda dadkii Laascaanood laga soo barakiciyay

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Koonfur Galbeed kuwaasi oo Puntland u tegay xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.

Xubnaha Wasiirada ah ee ka socda Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka wadaan dadaalo la xiriira sidii si nabad ah degaannada Koonfur Galbeed loogu aoo celin lahaa dadka Somaliland ay kasoo barakacisay laascaanood.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com