Puntland iyo wasaaradda Arimaba Dibadda Finland oo Heshiis wada Gaaray

Axad, Oktoobar 25, 2015 (Daljir) — Wasiirka ganacsiga iyo war shadaha Puntland Abdiweli Hersi Indhoguran ayaa 21.10 safar shaqo ku tagay dalka Finland kadib markuu casumaad ka helay dalada qurbajoogta Puntland ee Finland.

Wasiirka ayaa beryahaanba safar shaqo ku maraayay qeybo kamid ah Waqooyiga Yurub waxaana Shalay kulan la qaatay saraakiil katirsan wasaarada arrimaha dibeda ee Finland, saraakiishaas oo isagu jirtay danjirihii hore ee dalka Sambia, agaasimaha waaxda geeska Afrika iyo xoghayahiisa.

Wasiirka oo ay weheliyaan wakiilka Puntland ee Finland C/fatax C/laahi Jamac Janagale iyo Gudoomiyaha dallada ururrada Puntland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa kulanka wasaarada arrimaha dibedda kala hadlay xaalada guud ee Puntland iyo fursadaha maalgashi ee Puntland iyo qaab ka ugu haboon ay qurbajoogta Puntland iyo dowlada Finland u taageeri karaan horumarka iyo maalgashi ga Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdulu Indho guran oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shiradihii iyo Madaxdii uu la kulmay ay balan qaadeen inay Puntland Maalgashi ka samayn doonaan.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay indhawaan uu furmi doono kastamka tuur dibi ee dowladda Puntland iyo tibooya waxaana uu sheegay in uu soo dhamaaday dhismihiisa dhawaan si wada jir ah ay xariga uga jari doonaan Puntland iyo itoobiya.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com