Puntland iyo Hayadaha taageera oo Shir uga Furmay Garowe

Somalia, December 21, 2015-(Daljir)_ Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Ha’yadaha kala shaqeeya Caafimaadka waxa maanta shir labo bari socon doona uga furmay xarunta Wasaaradda,waxaa ka qayb galay Madaxda Wasaaradda iyo Ha’yaddaha  taageera.

Shirka ayey muhiimadiisu ahayd in dib loo eego wixii ka qabsoomay Adeegyada oo Ha’yadduhu ugu talo galeen wasaaradda sanadkan gaba gabada ah ee 2015 iyo in Wasaaraddu ay su’aalo waydiiso Ha’yadd kasta oo kusaabsan waxay ka qabatay baranamijyada Caafimaadka ee Wasaaradda.

Wasiirka Caafimaadka Puntland  Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise oo daah furay shirka ayaa sheegay in shirka muhiimadisu tahay in la ogaado waxyaabaha ka qabsoomay adeegyada Caafimaadka sanadkan 2015,wuxuna tilmaamay in Ha’yadda ay waydiin doonan waxyaabaha ay ka qabteen adeegyada ay ugu talo galeen Caafimaadka Puntland.

Agaasimaha Guude ee wasaaradda Dr:Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa isna dhankiisa sheegay in shirku uu yahay mid sanad walba la qabto, islamarkaana lagu ogaanayo wixii la qabtay sanadka tagay,Cabdirisaaq Xirsi ayaa xusay in wax laga waydiin doono Ha’yadd kasta waxay ka qabatay Barnaamijka Caafimaadka.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com