Puntland iyo Banaadir oo galabta ku balansan koobka maamulada.

Muqdisho, July 19 2016–Garoonka kubadda cagta ee Banaadir Staadium Muqdisho waxaa galabta ciyaar xiisabadan ku dhexmari doonta xulka kubadda cagta Puntland iyo kan maamulka gobolka Banaadir, ciyaar katirsan tartanka maamulada dalka. 

Ciyaartaan oo ah wareegii labaad ahna kii ugu dambeeyey ee groupka dhimashada ee “A”, ayaa waxaa labada xul ay ku tartami doonaan kaalinta kowaad, kadib markii uu tartanka ka haray xulka koonfur Galbeed oo labo guuldaro oo xiriir ah lakulmay. 

Ciyaartaan waxa ay noqon doontaa tii ugu adkayd ee wareega groupyada kadib markii ay labada dhinac kulamadii hore kusoo badiyeen isugeynta 9 goal.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com