Puntland Focus Group (PFG) | WAR-SAXAAFADEED (Faafin Degdeg Ah)

Puntland Focus Group (PFG) | WAR-SAXAAFADEED (Faafin Degdeg Ah)

Puntland Focus Group (PFG) | WAR-SAXAAFADEED (Faafin Degdeg Ah)

Salaasa, September 18, 2018

Sida la wada ogyahay waxaa Baarlamaanka (Golaha
Wakiiladda) Puntland go’aamiyey 14 Agoosto, 2018,
in doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ay
dhacdo 8 Janaayo 2019, iyadoo loo marayo qaabkii
hore maadaama ay suurtogeli weydey in ay dhacdo
doorasho qof iyo cod ah 2019ka.

1. Haddaba si doorashada Puntland ee 8 Janaayo,
2019, ay ugu dhacdo jawi wanaagsan, loona helo
kalsooni ku wajahan xulitaanka xildhibaanada
cusub iyo nidaamka doorashada guud ahaan, waa
in dhamaan qeybaha ay khuseyso arintani, sida
Dawladda, Musharixiinta kale, Golaha Wakiiladda
iyo kan Dhaqanku, wadatashi balaaran ka galaan
magacaabista xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka
Xildhibaanada “Vetting Committee”.

Sidaas darteed waxaan soo jeedineynaa:

A. In xubnaha Gudigu noqdaan shaqsiyaad ka
madax-bannaan siyaasad iyo koox daneed gaar ah.

B. In Gudigu noqdo xubno bulshada dhexdeeda ku leh
magac iyo sharaf, wax boog ahna aan lahayn, laguna
qanci karo go’aanka ay gaaraan.

C. Waa inay xubnuhu ku salaysan yihiin, si cadaalad
iyo sinaan ah, isla markaasna ka yimaadaan gobolada
iyo qaybaha kala duwan ee dadka reer Puntland
ka kooban yihiin.

Xubnaha Puntland Focus Group:
Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Cali (Qoryooley)
Last modified: 14:50

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com