Puntland Focus Group oo soo dhaweyaay Go’aankii Barlamaanka ee shaacinta doorashada PL

Puntland Focus Group oo soo dhaweyaay Go’aankii Barlamaanka ee shaacinta doorashada PL

Maanta oo taariikhdu tahay 15ka August 2018, Puntland Focus Group waxay soo dhoweyneysaa isla markaasna taageersan tahay:

1. Go’aankii Golaha Wakiiladda Puntland ee 14kii August, 2018, kaas ku saabsanaa doorashada Puntland. Go’aankaas ayaa Golaha Wakiiladda Puntland ku caddeeyeen in Doorashada Madaxweynaha Dawladda Puntland & Ku-xigeenkiisa ay dhacidoonto 8da Janaayo 2019, kan Guddoonka Golaha Wakiiladduna uu dhicidoono 4ta Janaayo 2019.

2. In Golaha Wakiiladda Puntland ee hada jira uu sii shaqeeyo illaa la soo dhameeyo Barlamaankii lagu bedeli lahaa, oo soo dhammaan doona 30ka December 2018.

3. In lifaaqii 3aad ee Dastuurka dib loo cusbooneysiiyo, kaasoo caddeynaaya in doorashada 2019 ay ku noqoneyso nidaamkii charterka ee Gobollada ku dhisnaa, oo aan loo gudbi karin habka axsaabta badan oo waqtigiisii hada dhammaadey.

4. In Guddigii Doorashooyinka Ku-Meel-Gaarka ahaa ee Puntland uu sii shaqeeyo maadaama uu u xilsaaran yahay doorashayoonka golayaasha degaanka, wax shaqo ahna uusan ku laheyn doorashada Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Guddoonka Golaha Wakiiladda ee 2019ka, sida uu qabo sharcigii lagu dhisey, sidaas darteed qoddobka kala-diristooda la laayey.

Xubnaha Puntland Focus Group:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr Maxamed Salaad Qoryooley

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com