HomeUncategorized

Puntland & dawlada federaalka ah oo heshiis ka kooban 13 qodob isla meel dhigay.

Caption ...

Nin Somali ah oo Dil ka Gaystay Malta
Xillibaano ka tirsan Baarlamanka Dowladda Federaalka ah oo ku soo wajahan deeganada Puntland
Fiqi Bashiir C/dulle Cismaan oo lagu caleemo saaray baliga JEEDALOW.


Garowe, Aug 29 – Heshiis nuxurkiisu yahay is-kaashi, wada-shaqayn & dhaqan-gelinta heshiiskii Galkacyo 2009 ayaa ay kala saxiixdeen madaxada dawlada federaalka ah ee Somaliya iyo madaxda Puntland.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Garowe R/wasaaraha dawlada federaalka ah Dr. C/weli Maxamed Cali ‘Gaas’, iyo M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa tafaasiil laga bixiyey qodobada heshiiska ee ay kala saxiixdeen labada dhinac.

Prof. Maxamed Caydiid, wasiirka waxbarashada ee dawlada federaalka ah ayaa saxaafada u akhiryey qodoba heshiiska ay labada dhinac isla meel dhigeen; qodobada ayaa waxaa ka mid ah:

Is-kaashi:
1. Xoojinta wada-shaqaynta & xiriirka joogtada ah ee labada dhinac,
2. Dhaqan-gelinta qodobadii heshiiskii Galkacyo ee 23-ka Ogoosot, 2009,

Amniga:
3. Is-kaashi dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, burcad badeeda, iyo tahriibka,
4. Puntland oo laga taageero tababarada, qalabaynta iyo gunnooyinka ciidamada aminga sida bilayska, daraawiishta, nabad-sugidda & asluubta,
5. Dardargelinta akaademiyada tababarka ciidanka ee Carmo,
6. Dhismaha ciidanka badda ee Somaliya,

Koboc dhaqaale & siyaasadeed:
7. Dawlada federaalka ah oo dhiirigelinaysa koboca dhaqaale & siyaasadeed ee Puntland,

Federaalka:
8. Labada dhinac oo iska kaashada dhamaystirka dastuurka federaalka ah ee xilliga kala-guurka,
9. Hirgelinta iyo dhismaha dawlad federaal ah, iyo dhiirigelinta maamul federaal ah oo buuxiya shuruudaha axdiga ku meel gaar ah.

Wadaag mucaawino:
10. Si isu-dheeli tiran oo loo qaybiyo mucaawinada dibedda, lana wada gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan,

11. Dejinta qorshe lagu daryeelo barakacayaasha ku sugan Puntland oo lagu qiyaasay 400,000 oo ruux,
12. Dejinta qorshe looga hortagayo abaaraha,
13. Daryeelka iyo dhawrida xuquuq al insaanka oo la xoojiyo, lagana wada shaqeeyo.

Waxaa goobjoog ka ahaa R/wasaare C/weli Maxamed Cali , M/weyne C/raxmaan Maxamed Faroole, iyo xubno ka tirsan golayaasha dawlada ee labada dhinac.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.


Heshiis iskaashi Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaliya iyo Puntland, 29 Aug, 2011

Garowe, Aug 29 – Waxaa booqasho rasmi ah ku soo gaarey magaalada Garoowe 26 Aug. 2011 magaalo madaxda Dawladda Puntland ee Garoowe wafti balaaran oo uu hogaaminayo Ra’isal wasaaraha dawladda federaalak KMG ee Soomaliya Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dibna waxaa ku soo biiray wafti uu hogaaminayo madaxwayanah dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed si uu u xoojiyo wadahadalka iskaashiga labada dhinac.

Waxaa loo magacaabay gudi wasiiro ah oo ka kooban labada dhinac si ay uga doodaan ajedooyinka kala duwan una soo diyaariyaan qodobada iskaashiga ee dhexmara Dawladda federaalak KMG ah ee Soomaliya Puntland

Shirar iyo wadatashi badan ka dib waxay labada dhinac ku heshiiyeen qodobada hoos ku qoran

1 Waxaa laysku raacay xoojinta wada shaqaynta iyo xariirka joogtada ah ee labada dhinac

2 Waxaa si buuxda la isku raacay in la meel mariyo heshiisyadii horay loo galay (heshiiskii Gaalkacyo 23 Aug, 2009 iyo is fahamkii xaga amniga iyo Burcad badeeda (MOU) Nayroobi ee 12 April 2010

3 Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in si wada jir ah looga shaqeeyo adkaynta nabad galyada ladagaalanka argagixisada, Burcad badeeda, iyo tahriibta

4 Waxaa laysku raacay in Puntland laga taageero tababarada gunooyinka iyo qalabaynta ciidamada amniga sida Ciidamada Booliska, nabadsugida, asluubta iwm

5 waxaa laysku raacay in dib loo dardar galiyo ka shaqaysiinta Akadeemiyada booliska Carmo lana dhamaystiro dhismaha iyo qalabaynta xaruntaasi is looga maarmo tababarada dibada loo aado

6 iyadoo la tixgalinayo baahida loo qabo difaaca xeebaha dalka waxaa labada dhinac isla garteen in la dhiso ciidamda bada ee Soomaliya

7 Dawladda federaalaka ah waxay ku dhiiragalinaysaa Puntland inay kobciso horumarina dhaqaalaheeda iyo siyaasada econmic and political development

8 Si looga hortago soo noqnoqodka abaaraha waxna looga qabto waxyaalaha sababa aafooyinka (root causes)
waxay labada dhinac isla garteen in loo adeegsada qayb ka mid ah mucaawimooyinka qaab cusub oo wax ka tari kara gar gaarka dag daga ah ee bini aadanimo iyo horumarinta dalka,sida qodosta ceelasha, dhisida waraabka ceel biyoodka,kobcinta kaabayaasha dhaqaale, abuurista shaqooyin iyo ilaalinta deegaanka,

9 Waxaa laysla gartay in mucaawimooyinka imanaya dalka si isku dheeli tiran loo qaybiyo loona gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan.

10 Waxaa la wada aqoonsaday in xaalada barakacayaashu sii xumaanayso maalin walba tiradooduna ay sii kordheyso, hadana gobolada Puntland ay ku suganyihiin in ka badan 400,000 ruux, beesha caalamkana ay ka helaan taageero kooban,sidaas aygeed waxaa layslagatay in loo sameeyo qorshe midaysan oo ku wajahan wax ka qabadka arimaha baracayaasha iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Puntland.

11 Waxaa labada dhinac soo jeediyeen in la dhamaystiro tastuurka federaalka ah ee xiliga kala guurka ah.

12 Waxay labada dhinac ku heshiiyeen dhamaystirka mar xalada KMG ah iyo dhisida Dawladda Soomaaliya ee federaaliga ah,waxaa si gaar ah hoosta looga xariiqay dhisida iyo dhiiragalinta maamulo federaali ah (federal states) oo buuxiya sharuudaha axdiga ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

13 Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in la ilaaliyo, lana hormariyo arimaha xuquuqul iinsaanka.

Heshiiskani wuxuu dhaqan galayaa markii ay saxiixaan Ra’isal wasaaraha DFKMG ah Dr Cabdiwali Maxamed Cali iyo Madaxwayna Puntland.Dr Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud (Faroole)

Waana ay saxiixeen labada dhinacba

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: