Site icon Radio Daljir

Puntland oo 1-0 Kaga Badisay Gobalka Banaadir, una soo Gudubtay Horyaalka

Ciyaar Xiiso baddan oo galabta dhexmartay Xulka kubadda Cagta Puntland iyo maamulka Gobalka Banaadir ahaydna Ciyaar Xiiso leh ayaa waxaa guushu raacday galabta Xulka Kubadda Cagta Puntland ,kuwaas oo ku badiyaay 1-0.

Garoonka oo ahayd Mid soo buuxdhafiyeen Tageerayaasha Puntland iyo Xulka Gobalka Banaadir,ayaa waxaa ay qaybtii horre ee ciyaartu kusoo dhamaatay 0-0 ,iyado qaybti dambe ee ciyaarta Ciyaaryahanka,ahna Xidiga Puntland Yacquub Cismaan uu dhaliyaay gool qurux badan,taas oo shacabka Puntland aad ugu farxeen.

Puntland ayaa hadda usoo baxday finaalka,waxaana Puntland sugaysa Koonfur galbeed iyo Jubbaland,ki usoo baxa Finaalka,taas oo dhacaysa berito.

Degaano Badan ee Puntland ah ayaa laga dareemay Guusha Puntland,waxaana is qabsaday dabaal dagyo loo riday xabado iyo qoryaha Culus,Hadana barxadda Garowe ee Caasimadda Puntland waxaa kasocda Dabaal dagga Guusha Xulka Kubadda Cagta Puntland.

Daljir kala soco.

Radio Daljir

Exit mobile version