PUNSAA oo baaq ka soo saartay hanaanka doorashooyinka Puntland ee dhowaan dhacaya (Dhegeyso)

Garoowe, October 24, 2013 – Dallada ururrada bulshada aan dowliga ah ahayn ee Puntland ?PUNSAA ayaa maanta soo saartay baaq balaaran oo ka kooban siddeed qodob isla markaasna khuseeya doorashooyinka Puntland ee dhacaya sanadka cusub.

War-saxaafadeed.

Dallada ururada aan dowliga ahayn ee Puntland waxay halkaan ku soo gudbinaysaa baaq saxaafadeed ku saabsan doorashada dowladda Puntland ee soo fool leh in ay noqoto doorasho u dhacda si cadaallad ah, xor iyo xalaal ah nabad iyo xasilooni leh ayna ka muuqato hufnaan iyo dhexdhexaadnimo.

Sidaa owgeed dallada ururada aan dowliga ahayn ee Puntland, waxay soo jeedinaysaa talooyinkan soo socda.

????????? In nabadda iyo xasiloonida dowladda Puntland ay muqadas tahay lama taabtaan ah waajibna ku ah dhamaan muwaadiniinta Puntland

????????? In la assaaso gudi madax bannaan oo ka shaqeeya xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka mudada doorashada lagu jiro.

????????? In la dhiso guddi farsamo oo kala xula xubnaha golaha wakiilada ay hogaanka dhaqanku soo magcaabeen

????????? In la xaqiijiyo ka qaybgalka bulshada rayidka ah hanaanka doorashada soo fool leh sida gudiyada la dhisayo ee doorashada ee kor ku xusan.

????????? In haweenka tixgelin dheeri ah loo sameeyo in ay ka mid noqdaan golaha wakiilada cusub

????????? In shir isu soo dhowayn iyo dib u heshiisiineed ay yeeshaan dhamaan daneeyayaasha Puntland

????????? In lala yeesho wadaxaajood odoyaasha dhaqanka ee soo xulaya golaha wakiilada si ay ugu xulaan si waafaqsan habraaca dastuurka Puntland ee soo xulista golaha wakiilada Puntland

????????? In dhamaan muwaadiniinta iyo murashaxiinta madaxtinimada Puntland ay helaan damaanad amni.

?

Nuur Maxamed Nuur

Gudoomiyaha dallada ururadda aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA)

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Abdirahman Haaji oo diyaariyey war-bixin ku saabsan baaqa dallada PUNSAA

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com