Prof: Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari: “Gogol nin gob ah wax kasoo doonto ma Fidsana Baydhabo” (daawo)

Prof: Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari:  “Gogol nin gob ah wax kasoo doonto ma Fidsana Baydhabo” (daawo)

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Proff Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in caqabado iyo culeys uu kala kulmay magaalada Baydhabo isagoo ka digey in dowladnimada Soomaaliya ay meel dheer ku sii dhacayso.

Proff Jawaari oo hadlayay xilli uu ka soo ambabaxay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in doorasho hufan oo xalaal ah aysan ka socon Baydhabo balse ay ka jiraan gabood fal lagu takri falayo xuquuqda muwaadinka ee ah inuu wax doorto ama la doorto.

“Maalmahan waxaa joogay Baydhabo oo aan u imid kursiga 103 tartankiisa inaan ka qeyb galo, caqabado iyo culeysyo ayaa naga horyimaadeen, arrimaha Baydhabo ka socdo aniga shaqsiyan qiyaasta aan qiyaasay ma fidsana gogol, nin gob ah oo oday ah wax ka soo doontay meeshaan ma taalo”

“Allaha u raxmado Soomaaliya waxaan ka baqayaa intii yareyd ee dowladnimada aan soo kasbanay inay faraheeda ka baxdo.”ayuu yiri Proff Jawaari oo muddo dheer dalka Soomaaliya xilal kala duwan ka soo qabtay.

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Maamulka Koofurgalbeed ay u diideen musharax Maxamed Cismaan Jawaari inuu ka mid noqdo musharaxiinta u tartamaysa kursiga 103 oo uu isagu ku fadhiyay siddeedii sano ee la soo dhaafay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com