Prof. Jawaari oo sharaxay natiijada shir uu la yeeshay xubno ka tisan ururrada haweenka Puntland

Muqdisho, December 30, 2013 – Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheikh Cismaan Jawaawir ayaa shalay kulan la qaatay xubno ka tirsan ururada haweenka Puntland, kuwaas oo jooga Muqdisho.

Prof. Jawaari ayaa saxaafada u sheegay in uu kulan la qaatay ururada haweenka ee ka socday Puntland, isla markaasna ay kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ku jirto doorka haweenka.

Madaxda ururada haweenka ee la kulmay Prof. Jawaari ayaa gudoomiyaha kala hadlay in doorka haweenka ee siyaasada iyo maaraynta maamulka dalka la muujiyo mustaqbalka dhow.

Gudoomiyaha ururrada haweenka ee Puntland Sahra siciid ayaa xaqiijisay inay gudoomiyaha u sheegeen in la tix-geliyo xuquuqda haweenka ee siyaasadda dalka.

Prof. Jawaari ayaa ugu dambayntii xaqiijiyey in uu balan-qaaday fariintooda inuu gaarsiin doono xubnaha baarlamanka federaalka ee Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com