PDRC oo Gaalkacyo ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan xaaladda amni ee gobolka Mudug iyo maamulka gobolka oo ka qayb-galay.

Gaalkacyo, Aug 08 – Dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay hay’adda PDRC xafiiskeeda Gaalkacyo ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka gobolka Mudug, waxaana ka qayb-qaatay maamulka gobolka Mudug.

Dood-cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo xaadiray maamulka gobolka Mudug, ururada haweenka, guddoomiyaasha degmooyinka Mudug, waxgarad, iyo aqoon-yanno waxaana furitaankii ka hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) oo xusay in dhibaatada ugu daran ay tahay wadashaqayn la’aan ba’an oo ka dhex-oogan bulshada iyo hay’adaha amniga. Guddoomiye Tigay oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug looga baahan-yahay wax-wadaqabsi, isku duubni, kalsooni,

Xubnaha ka qayb galayay dood-wadaaga la iskuna dhaafsanayay fikiro iyo aragtiyo kala duwan ayaa u badnayd arrimaha ammaanka Gaalkacyo, gaar ahaan burcad-badeeda oo la tilmaamay inay qayb-wayn ka qaataan amni-darrada gobolka ka jirta, waxaana sidoo kale lagu soo qaaday dood-cilmiyeedkaasi af-duubka shaqaalaha hay’adaha samafalka.

????????? Dood dheer iyo falaqayn kaddib dood cilmiyeedaas waxaa kasoo baxay qodobadaan hoos ku qoran

– In daneeyaasha ka wada hadlaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen xoojinta Amniga & Hor-marinta Nabada gobolka.

– In hay’aduha UN-ka iyo kuwa caalamiga ahi dhammaantood ay ka qayb-qaataan sugida nabad-galyada gobolka.

-In maamulka gobolku joog-teeyo wacyigalinta bulshada dhanka amniga, si fursad loogu helo arrimaha hormarinta gobolka Mudug.

– In maamulka gobolku uu fursado iyo awoodsiinba siiyo ururada dhalinyarada, haweenka, iyo daneeyaasha kale ee gobolka ku nool.

C/risaaq Cali Silfar

Radio Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com