Pakistan oo dib u eegaysa iskaashiga ay la leedahay Nato iyo Maraykanka.

Islamabad, Nov, 27 – Dowladda wadanka Pakistan ayaa sheegtay in ay dib u eegeyso iskaashigii ay la lahayd Maraykanka iyo Nato, waxana tallaabadaasi imanaysaa kaddib markii diyaaradaha isbahaysiga ee Nato ay duqaymo ka geysteen Kantarool ay lahaayeen ciidamada Pakista, waxana duqaymahaasi ku dhintay 24 qof.

Guddi uu hoggaaminayo reysalwasaaraha dalkaasi Pakistan mr Yuusuf Raza Gilani oo arintaa weerarka Nato ayaa xaqiijiyey in ay joojinayaan dhammaan sahaydii ciidamada Nato ee ku sugan Afghanistan loo mariinjiray dalka Pakistan, waxana gudigu go?aamiyey in dib loo eego iskaashiga dhinacyada siyaasadda, diblamaasiyada, militeriga iyo mukhaabraadka ee ay Pakistan la leedahay xulufada Nato.

Warbixinada la helayo ayaa sheegaya in Pakistan ay maraykanka u qabatay in uu 15 beri gudahood ku baneeyo saldhiga Shamsi , halkaasi oo ay ka duulaan diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Drones-ka.

Reysalwasaare Gilani ayaa ku tilmaamay weerarka lagu dilay askarta reer Pakistan mid xadgudub qaawan ku ah madaxbanaanida dalka Pakistan.

Afhayeen u hadlay Nato ayaa qiray in si weyn loogu malaynayo in diyaaradaha Nato ay ka dameeyene weerarkaasi ka dhacay xadka kala qaybiyo dalalka Afghanistan iyo Pakistan.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com