Pakistan: Dab qabsaday Tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Pakistan: Dab qabsaday Tareen oo sababay dhimasho iyo dhaawac

ugu yaraan 65-ruux ayaa dhimatay,in ka badan 45-na waxaa soo gaaray dhaawacyo ka dib markii dab ka dashay gaas uu hareeyay Tariin ku safraayey bartanaha dalka Pakistan.

Shilkaasi ayaa maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Liaquatpur, oo 150-km u jirta magaaladaMultan,sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaadiidka Tareenada Sheikh Rashid Ahmed oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinada.

Dabka ayaa dhacay markii dad rakaab ah ay isku dayeen in ay qurac ku sameystaan foornada lagu qaato gacanta ee ku shaqeysa gaaska,halkaasi oo qarax ka dhashay uu sababay dab ku faafay gudaha Tareenka.

Tareenka ayaa siday rakaab ka yimid koonfurta magaalada Karachi ,kuna socdayRawalpindi,waxaana dadkii uu soo gaaray dhaawaca daran ee gubashada loo diyaariyay diyaarado Herikobtar ah oo lagu geeyo cisbitaalada la tacaala dabka.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com