OLNF oo xaqiijisay inay tuhmayso rag lagaga afduubtay Nairobi in lagu hayo gudaha dalka Itoobiya

Nairobi, January 28, 2014 – Jabhada OLNF ee ka dagaalanta dalka Itoobiya ayaa shaacisay in la afduubtay laba sarkaal oo ka tirsan ururka kuwaas oo ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Axadii ayaa la afduubtay labada sarkaal sida uu sheegay Afhayeen u hadlay OLNF, wuxuu tilmaamay in labada sarkaal ay wada hadal kula jireen dowladda Itoobiya.

?xilligii ay ku soo noqon jireen guryahooda iyo xaasaskooda ayaa la waayey, markaas baa la baadi goobay deedna waa la waayey.? Ayuu yiri Afhayeen u hadlay OLNF oo la yiraahdo Cabdiraxmaan Sheikh Mahdi

OLNF waxay xaqiijisay in dowladda Kenya ay war geliyeen balse telfoonada ragga la afduubtay ay ka baxday hawada dalka Kenya, OLNF ayaa hadda tuhmaysa in ragga laga afduubtay lagu hayo dalka Itoobiya.

Dowladdaha Itoobiya iyo Kenya ilaa hadda kama aysan hadlin wararka afduubka iyo hadalka OLNF, dhowr jeer oo hore ayaa gudaha Kenya lagu afduubtay rag ka tisan jabhada in kastoo dib loo soo celiyey.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com