Odayaasha gobolka Sanaag oo ka digay doorashooyinka Somaliland ee gobolka (dhegayso)

Odayaasha gobolka Sanaag oo ka digay doorashooyinka Somaliland ee gobolka (dhegayso)

Odayaasha gobolka Sanaag oo la hadlay radio Daljir ayaa ka digay doorashooyinka Somaliland in lasoo gaarsiiyo sanaadiiqda doorashada deegaamada gobolka Sanaag ee Puntland.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa socday dibadbaxyo ka dhan ah Somaliland oo ay wadeen qaybaha kale duwan ee waxgaradka gobolka Sanaag kuwaasi oo ugu baaqayay Somaliland inay joojiso faragalinteeda gobolka.

Nabadoon Cabdiqani Maxamed Faarax iyo nabadoon Axmed Maxamed Shimbir oo lasoo xiriiray maantay radio Daljir ayaa sheegay inaanay ogolaan doonin maamulka Somaliland inuu ka taliyo gobolka.

13ka Bishaan ayaa la filayaa gobolada Somaliland inay ka dhacaan doorashooyinka madaxtooyada, waxaana sidoo kale jira digniin kusaabsan gobolada ay ku muransanyihiin labada maamul ee Puntland iyo Somaliland.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com