Site icon Radio Daljir

Odayaasha Dhaqanka ee Soo Xulay Xildhibanada Federaalka oo War Culus Soo Saaray (Akhri)

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed ka kooban dhowr qodob oo ay uga hadlayaan xaalada dalka.

Qoraalka ka soo baxay Odayaasha dhaqanka ee 135-ta Oday ayaa waxay taageero u muujiyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, sidoo kale waxaa ay soo dhoweeyeen martiqaadka uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay Muqdisho isugu yimaadaan shir wada tashiga ah.

Odayaasha ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay dar dar geliso wada hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Back to Home page