Odayaasha Degmadda Jariiban ee Gobalka Mudug oo ka Cabanaya Wasaarada degaanka PL (dhegayso)

Cabdi xuseen Xirsi iyo Cabdulqaadir Cabdulle oo kamid ah waxgaradka degmada jariiban ee gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegeen inay cabasho ka qabaan dadka degmadaasi shaqo qoris ay wasaaradda deegaanka Puntland ay ka samaysay degmada Jariiban .

Shaqaalaha ayaa loo qorayaa siddii ay uga shaqayn lahaayeen xarrun lagu xannaaneeyo xayawaanaadka duur joogta oo dawladii hore ee soomaaliya ay lahayd balse hadda ay dayac tirtay Puntland.

Odoyaasha Jariiban oo la hadlay Idaacadda daljir ayaa xaqiijiyay in arrin cakiran ay ka taagan tahay degmadaasi kaddib markii la isku maan dhaafay qaabka wax u socdaan .

Wariye Axmed Sheekeeye ayaa arrimahaas ka warraystay odoyaasha degmada Jariiban .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com