Odayaasha Ballanbale iyo Ciidamadda DFS oo heshiis kuwada gaaray degaankas

Odayaasha Ballanbale iyo Ciidamadda DFS oo heshiis kuwada gaaray degaankas

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Qeybta 21 aad oo gaaray degaano ka mid ah degmada Ballanbale ayaa halkaasi ka bilaaban dadaallo kala duwan oo lagu soo Afjaraayo dagaal beeleed halkaasi ka socda.

Saraakiisha Ciidanka hoggaaminaya ayaa kulan la yeeshay Odayaasha dhaqanka degmada Ballanbale waxaana ay ka dalbadeen in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, islamarkaana la kala qaado Kooxaha hubeysan.

Odayaasha dhaqanka ayaa aqbalay joojinta dagaalka, waxaana hadda la gaaray Isfaham horudhac ah sidda ay sheegeen Saraaakiisha Ciidanka.

Odayaasha dhaqanka ayaa ka codsaday Saraakiisha Ciidanka in ay jooggaan Magaalada si ay qeyb uga noqdaan dadaallada dib u heshiisiinta ee ka bilowday Magaalada Ballanbale iyo degaanada hoos yimaada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com