Odayaal iyo Cuqaal kala dhexgalay Beelo ku dagalamay Galgaduud (dhegayso)

Odoyaal iyo waxgarad uu horkacayay Ugaas Axmed Barre “Taakooy” ayaa ciidamo kala dhex dhigay Beelo walaalo ah oo shaqaaqo dhalisay dhimasho iyo dhaawacay ku dhexmartay dhawaan deegaanka Hardis oo 30 KM
ujira degmadda Balanballe ee gobalka Galgaduud.

Beelahaan is horfadhiya ayaa lakala dhexdhigay Ciidamo iskugu jira Milatari iyo Nabad Sugid

Suldaan Cabdinaasir Xasan Xirsi oo kamid ah waxgaradka ku howlan Nabadeentan iyo sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamada dhiyacyada diriray ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu sheegay in ka dhaqan ahaan ay wadaan sidii Nabad loo dhex dhigi lahaa Beelaha diriray oo ku kala abtirsada Balanballe iyo Gurceel.

Wariye Ayaanle Cabdulaahi Jaamac oo kamid ah howl-wadeenada Radio
Daljir Caabudwaaq ayaa waraystay ugu horeyna waydiiyay sida ay
xaaladdu tahay hadda


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com