Obama oo Booqanaya Masjid ku yaal Baltimore

Arbaco, Feberaayo 03, 2016 (Daljir) —Barack Hussien Obama oo uu Aabihiisa Muslim ahaa ayaa la filayaa inuu maanta Diyaarad Helikoptar ah ku tago Masjidka Mujtmaca Islaamka  ee Baltimore “The Islamic Society of Balimore” oo ku yaalla magaalladda Baltimore ee Gobalka Maryland.
Waxa uu la kulmi doonaa Hoggaamiyayaasha Mujtamaca Muslimiinka, isagoo khudbad ka jeedin doona Masjidka oo uu Muslimiinta kaga codsanayo inay taageero ka geystaan La-dagaalanka Xag-jirnimadda.
 
Dalka Maraykanka waxaa ku nool ku-dhawaad 3.3 million oo qof oo Muslimiin ah,waxaana ku yaalla 2,000 oo goobood oo u gaar ah Mujtamaca Islaamka.
 
Dhinaca kale, Madaxweyne Barack Obama oo sannadkiisa 7-aad haya Talada Maraykanka waxa uu horey u soo booqday Masaajidyo ku yaalla dalalka Masar, Malaysia iyo Indonesia, isagoo sheegay inuu Diinta Islaamka tahay Diin Nabadeed.
 
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan Socdaalka uu maanta Madaxweyne Obama ku tegayo Masjidka ku yaalla magaalladda Baltimore inay qeyb ka tahay sidii uu Muslimiinta Maraykanka ugu boorin lahaa inay codkooda siiyaan Hillary Clinton oo ah Musharax ka Xisbiga Dimuqraadiga, una taagan Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka oo dhici doonta dabayaaqadda sannadkan 2016-ka.
 
Muslimiinta Maraykanka ayaa la filayaa inay codkooda ugu deeqaan Hillary Clinton oo iyadu Muslimiinta ka raalli-gelisay hadalladii qadafta lahaa ee Donald Trump oo isagu ku haray Musharaxnimadiisa Xisbiga Jamhuuriga ee Xilka Madaxtinimadda Maraykanka.
 
Donald Trump oo ah Maalqabeen Cunsuri ah waxa uu horey ugu baaqay in dadka Muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Maraykanka, iyadoo Oraahdaasi uu ku kasbaday Cambaarayn iyo in laga hor yimaado, kuna fashilmo Tartankii Musharaxnimadiisa.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com