Obama oo Aqalka Cad Afur ugu sameeyay Gabdho Soomaali ah

Arbaco, Juun 24, 2015 (Daljir)_ 150 qof oo ka mid ah Muslimiinta ku nool dalka Maraykanka ayaa waxaa xalay lagu casuumay inay ka afuraan Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

 Madaxweyne Obama iyo martida Muslimiinta ayaa la sheegay inay ku wada cunteeyeen Miiska Obama.

 Hadal uu ka jeedieyy Munaasabadaasi ayaa waxa uu ka hadlay Xorriyadda Diinta, wuxuuna xusay in Maraykan ahaan inaan qofna loo beegsanaynin waxa ay yihiin ama waxa ay u eg yihiin, yey jecel yihiin iyo qaabka ay u cibaadaystaan.

 Xubno ka tirsan Muslimiinta ka qeyb gashay Casuumadaasi waxaa ka mid ahaa Labo gabdhood oo Somali-Maraykan ah.

 Muniira Khaliif oo ka qalin jebisay Dugsiga Minnesota High School iyo Khadra Mohamed.Sidoo kale, Senotor Kaith Elinson oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga. lagana soo doortay magaalladda Minneapolis  ahna Xildhibaanka keliya ee Muslimka ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka ayaa ka qeyb galay casuumaada afurka ee xalay lagu qabtay Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka.

 Dhaqanka casuumaadda ee Aqalka Cad lagu casuumo Muslimiinta xilliga Ramadaanka waxaa markii ugu horreysay bilaabay Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton. Kadibna waxaa arrinkaasi raacay  Madaxweynayaashii ka dambeeyey ee kala ahGeorge W. Bush iyo  Madaxweynaha xilligan Barack Obama.

Casuumaadda noocaasi ayaa loogu dan leeyahay in lagu wanaajiyo   Xiriirka  Dowladda Maraykanka iyo Jaalliyadaha Muslimiinta ku nool gudaha dalka Maraykanka.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com