NUSOJ “Waa nasiib darro xariga wariye Mukhtaar Catoosh.” Dhegayso

Ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si adag u cambaareeyey xarig uu maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya kula kacay wariye caan ah oo ka hawlgala magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kaasoo loo xiray inuu ka warbixiyey xaalad kufsi ah oo laga geystey deegaanada maamulkaasi.

Wariye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo deegaanada Koonfur galbeed uga warama qaybta Soomaalida la hadasha ee Idaacada Codka Maraykanka sidoo kale na ah xoghayaha tabarada ee ururka NUSOJ ayay ciidanka bilayska ee maamulka koonfur galbeed Soomaaliya waxay maalin ka hor kuxigeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay iyadoo la geeyey waaxda dabagalka danbiyada ee CID da.

 

https://www.facebook.com/RDaljir/videos/536584617057507


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com