NUSOJ oo soo Dhaweeysay xeerarka Saxaafadda ee la Ansixiyay

Talaado, December 29, 2015 (Daljir) —Ururka Saxafiyiinta Soomaaliya ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyey habka uu baarlamaanka dowladda Fadaraalku ku meel mariyey ansixinta xeerka warbaahinta dalka.

Hoghayaha Ururka Nusoj oo la hadlay warbaahinta gudaha Maxamed Ibraahim Bakistaani ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan xeerka,wuxuna carabaabay inay tahay talaabo wanaagan oo usoo hoyatay Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Isagoo sheegay in wariyayaasha Soomaaliyeed uu baal cusub ufurayo Xeerku,hadalkiisa ayuu kusii daray in hadii Madaxweynuhu saxiixo uu noqonayo markii ugu horaysay oo warbaahinta Soomaaliya yeelato xeer ugaara.

Qodobada qaarkood oo markii hore ay dhaliil ka muujiyeen NUSOJ iyo warbaahinta qaarkeed ayuu tilmaamay in wax badan laga badalay,balse wuxuu xusay inaysan wali dhamaan cabashadu.

Baarlamaanka dowladda Fadaraalka ayaa shalay hab gacantaaga ku ansixiyey xeerka, 142 Mudane ayaa soo xaadirtay kulanka,139 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la meel mariyo, sadex mudana baa ka aamusay,mana jirin cid diiday.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Baarlamaanka uga mahadceliyey siday u meel mariyeen xeerka.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com