Site icon Radio Daljir

NISA: “waxaan gacanta ku soo dhignay sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gaadiidka”

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan uu Madax ka ahaa xarun qarsoon oo walxaha qarxa lagu xiro gaadiidka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in shaqsiga la qabtay uu mar walba cagajugleyn baad uga qaadi jiray dadka degan magaalada Muqdisho.

Lama sheegin faah faahin intaas dhaafsiisan iyo magaca shaqsiga la soo qabtay, hase ahaatee barta Twitter-ka NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay lagu qorayay qoraalo kooban oo lagu sheego howlgalo lagu qabto shaqsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version