Ninkii weeraray masjidka Galkacyo oo dhintay, iyo dadweynaha & bilaysku oo iska kaashaday qabashadiisa .

Wacaal Daray ah: Galkacyo, Dec 11 – Nin dhallinyaro ah oo weerar hubaysan ku qaaday masjidka Al-Hudaa ee magaalada Galkacyo, dhaawacna u gaystay dhawr qof oo rayada ah, ayaa ku dhintay cisbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Dambiilaha oo qabashadiisa ay iska kaashadeen ciidanka bilayska iyo dadweynaha magaalada Galkacyo ayna iska kaashadeen qabashadiisa dadweynaha & bilayska Galkacyo.

Damnbiilaha ayaa dhaawac u gaystay mid ka mid ah mu’adimiinta masjidka Al-Hudaa Sh. Madar.

Dambiilaha ayaa weerarka kadib isku dayey in uu u fakado xaafada Wadadjir ee koonfurta magaalada Galkacyo, balse bilayska oo ku raadjoogay, ayna iskaashanayeen dadweynaha magaalada Galkacyo ayaa qabtay isaga oo dhaawac ah.

Taliyaha ciidanka bilayska Galkacyo Col. Xasaasi oo shir jaraa’id kula hadlay saxaafada ayaa sheegay in dambiilaha ay qabteen, uuna geeriyooday iyaga oo ku sii jeeda cisbitaalka Galkacyo halkaas oo maysdkiisu hadda yaal.

Sida uu sheegay Col. Xasaasi waxaa dhaawacyo kala duwani soo gaareen dhawr qof oo rayad ah.

Dambiilaha yaa ah nin dhallinyar, welina aan la sheegin urur ama koox uu ka tirsan yahay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com