Ninka loo haysto weerarka Masjidka ee NZealand oo lasoo taagay maxkamad

Ninka loo haysto weerarka Masjidka ee NZealand oo lasoo taagay maxkamad

 

Ninka loo haysto toogashadii misaajidka ee dalka Newzealnad  oo ay ku geeriyoodeen 49- qof ayaa kasoo hormuuqday maxkamad, isagoona ah ninka kaliya ee dilka loo haysto.

Ninkan oo dhalashadiisu tahay Australia Brenton Tarran, ahna 28sano jir ayaa la dhigay xabsiga , waxaana isagoo indhaha ka xiran , xirnaana shaartiga cad ee maxaabiista lasoo taagay maxkamadda.

Dacwado badan ayaana la filayaa in lagu soo oogo eedaysanahan.

Raysal wasaaraha Newzealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay shan qori  iyo ruqsadda hubka inuu haystay ninkan ku eedaysan dilka, iyadoona sheegtay in la badali doono dhammaan sharciyada hubka ee dalkaasi.

Laba qof oo kalle ayaa xabsiga ku jira, kuwaasi oo aan horay loogu soo oogin wax dambi ah.’

Mr Tarrant oo xabsiga lagu celiyay isagoo aan qira wax dambi ah ayaa la filayaa in mar kalle lasoo taago 5ta April.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com