Nin waalan oo bam gacmeed ku tuuray dad rayad ah degmada Godobjiiraan, Nugaal; 5 qof oo dhimatay.

Garowe, Mar 28 -Weerar bambaano oo ay ku dhinteen 5-qof oo rayid ah ayaa habeenkii xalay ka dhacay deegmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.

Wararka ayaa sheegaya weerarka inuu gaystay nin la sheegay inuu qabay xanuunka dhimirka oo lagu magcaabo Axmed Hoolif.

Dadka dhintay ee 5-ta qof ayaa ka koobnaa dad shacab ah oo deegaankaasii ku sugnaa,waxaana ku jira dadka dhintay qofkii tuuray qaraxa bamka.

Yaasiin Maxamed Yaasiin oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay jiraan laba qof oo dhaawacyo fudud uu kasoo gaaray qaraxa bamka.

Xoghayaha dowladda hoose ee degmada Godob jiiraan oo isaguna la hadlay Radio Daljir ayaa ku tilmaamay weerarka inuu ahaa shil dhacay oo uu ka dambeeyay qof qabay xanuunka dhimirka,waxaana intaasi uu ku daray inay xiligaan ay wadaan aaska dadka ku dhintay weerarka bamka.

Xaaladdda degmada Godobjiiraan ayaa ah mid degan, dadka deegaanka ayaa sheegay inay u suurto geliweyday inay bamka ka qaadaan qofka watay, kadib isku dayo ay sameeyeen.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com