Nin ka mid ah soddomeeyo dhallinyaro ah oo maraykanka ugu xiran burcad- badeednimo (dhegayso)

Nin ka mid ah soddomeeyo dhallinyaro ah oo maraykanka ugu xiran burcad- badeednimo (dhegayso)

Xilligii xeebaha Soomaaliya ay ka dillaacday burcad-badeeda afduubata maraakiibta iyo dooniyaha ganacsiga ee goosha biyaha caalamiga ah, waxaa jiray dhallinyaro badan oo Soomaali ah oo falalkaasi lagu qabatay, laguna kala xiray in ka badan 10 waddan adduunka ah.

Dhallinyardaasi oo badankooda loo maxakamadeeyey falalka burcad-badeednimo, qaarkood sanno badan kadib ayay dib u heleen xorriyadoodii, kuwana waxay ku abaadeen jeelalka dibedda ah, iyagoo dacwaddoodu dheeraatay, kuwana xunno ku dhaceen, waxaana jira tiro xabsiyadu u dhammaadeen, iyo kuwa iyagoo xumanayaal ah dal dib loogu sooceliyey.

Markaykanka ayaa ka mid ah meelaha weli dhallinyardaasi qaarkood ay ku xiranyihiin, welina dacwadahoodu ay socdaan.

Siciid Cali Laaran wuxuu ka mid yahay dhallinyaro soddomeeyo ah oo ku xiran dalka Maraykanka, kuna eedaysan burcad-badeednimo, wareysi uu siiyey warbaahinta Daljir, ayuu uga warramay qabashadiisa iyo qaababkii maxkamadayntoodu ay soomartay.

Wuxuu u warramay Cabdifataax Cumar Geeddi, oo marka hore waydiiyey magaciisa iyo meesha ay ku xiranyihiin.

Dhegayso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com