Nick Kay oo Dalbaday in Nabadda Gaalkacyo laga Shaqeeyo

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Ergeyga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa ka hadlay dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay, isagoo sheegay in inuu walaac xoogan ka qabo colaadda magaalada Gaalkacyo ka socota.

Danjire Nicholas Kay ayaa xusay inuu ka xun yahay dagaalkaas iyo dadka rayidka ah ee ka barakacay guryahooda, waxaana uu ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo uu sheegay inaan laga dhaxlin wax aan dhimasho iyo dhaawac ahayn.

Sidoo kale, Nick Kay ayaa xusay inay dambi tahay in hub culus loo adeegsanayo goobaha bulshada reer Gaalkacyo ay taasi noqon karto dambi dagaal, isla markaana cadaalad lala tiigsan doono kuwa ka dambeeya.

“Madaafiicda loo adeegsado goobaha dadku ku nool yihiin waa dambi dagaal, maxkamad ayaana lala tiigsanayaa kuwa ka dambeeya,” ayuu yiri danjire Nicholas Kay oo intaas ku daray. “Labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay si deg-deg ah dagaalka u joojiyaan.”

 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com